Waxaa hadda socoto munaasabad duco qaran ah oo sanadkiiba hal mar ah la qabto.
Isku imaatinkan oo ka dhacaya maqaaxida Safari Park ee magaalada Nairobi ayaa ah midkii 20-aad ee la qabto waxaana hal ku dhig u ah dib u heshiisiin.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka mid ah madaxda ka qayb galaysa.
Waxaa madashaasi ku kulmaya hoggaamiyaasha siyaasadeed ee wadanka , madaxda diimeed iyo qaar ka mid ah shacabka in kastoo madaxda isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ay shaaciyeen inaynan ka qayb galayn.
Azimio ayaa bayaan ku sheegtay inay aaminsan yihiin in barnaamijkan aan daacad laga ahayn.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in munaasabaddan mar hore la qabto balse waxaa dib u dhigay guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula .
Wetangula ayaa sheegay in ugu yaraan 3,000 oo qof lagu casuumay ka qayb galka munaasabadda qaran ee ducada ah.
Waxaa diiradda la saaraya muhiimadda midnimada, dib u heshiisiinta iyo in mas’uuliyiinta ay ka soo baxaan waajibaadka saaran oo aynan ku kala qaybsamin kala duwanaanshahooda siyaasadeed.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo madaxda siyaasadeed ay ku kala qaybsan yihiin hindise maaliyadeedka sanadkan .