Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa sheegay in dacwad la xiriirta xasuuq lagu soo oogi doono shakhsiyaadka ku eedeysan inay ka dambeeyeen dilal laga soo tabiyay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Waxaa eedeysanayaasha ka mid ah baadariga kaniisadda Good News International Paul Mackenzie .
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in kooxaha baaritaannada sameynaya ay u xaqiijiyeen inay hayaan caddeymo wax ku ool ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo baadariga iyo ugu yaraan 16 qof oo kale ay xabsiga ku jiraan.
Kindiki ayaa carrabka ku adkeeyay in dacwadda kale ee lagu soo oogaya tuhmanayaasha ay tahay inay gaysteen falal dambiyeedyo ka dhan ah aadanaha.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shalay 9 meyd oo dheeraad ah laga soo saaray xabaal wadareedyada keyntaasi tani oo tirada guud ka dhigaysa 251.
Investigations have so far established that Mackenzie extended his criminal activities beyond the 800-acre parcel of land at the Shakahola Forest. Construction of security roads across the more than 37,000 acres of Chakama Ranch has commenced to facilitate comprehensive,… pic.twitter.com/rWaPN1oxn2
— Kithure Kindiki (@KindikiKithure) June 7, 2023