Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in laamaha ammaanka aynan marnaba oggolaan doonin in gudaha wadanka laga sameeyo dibadbaxyo rabshadeysan oo salka ku haya siyaasad.
Kindiki ayaa carrabka ku adkeeyay in cidii wax tabanaysa ay xuquuq dastuuri ah u leedahay inay dareenkeeda muujiso balse aanan marnaba laga oggolaan doonin burburinta hantida shacabka iyo waxyeeleynta dadweynaha.
Wasiirka ayaa xusay in ka falcelinta rabshadaha aan lagu tixgelin doonin garabka siyaasadeed ee ay kooxda dibadbaxa dhigaysa ka tirsan tahay.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Wasiir Kindiki: Laamaha ammaanka marnaba ma oggolaan doonaan in la sameeyo dibadbaxyo