Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo caasimadda wadanka Angola ee Luanda.
Agaasimaha isgaarsiinta ee xafiiska madaxa wasiirrada, Saalim Swalex ayaa bayaan ku sheegay in Mudavadi uu dalkaasi ku joogi doono booqasho rasmi oo labo cishe ah.
Isagoo matalaya madaxweynaha dalka William Ruto ayuu ka qayb geli doonaa kulanka madaxda dowladaha iska kaashanaya xasilinta DRC oo uu qorshuhu yahay inuu qabsoomo maalinka berri ah.
Waxaa heshiiska iskaashigan sanadkii 2013-kii saxiixay 11 ka mid ah waddamada qaaradda Afrika oo ay ku jirto Kenya si loo xoojiyo nabadgalyada , xasiloonida iyo horumarka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC iyo si guud waddamada gobolka ku teedhsan harooyinka ee Great Lakes sida Burundi, Kenya, Malawi, Mozambique, Rwanda, Zambia, Tanzania, Itoobiya iyo Uganda.
Mr. Swalex ayaa intaasi ku daray in shirka uu ka qayb galaya Musalia Mudavadi uu muhiim yahay maadaama la qiimeynaya horumarka laga gaaray ujeeddooyinkii laga lahaa wada shaqeynta waddamadan iyo caqabadaha u baahan in la xalliyo.
Kulanka berri ka qabsoomaya magaalada Luanda ayaa daba socdo kal-fadhigii 11-aad ee bishii Shanaad ee sanadkan ka dhacay caasimadda wadanka Burundi ee Bujumbura.