DHAGEYSO:Barasaabka Wajeer oo ku baaqay in cidii awoodo ay isticmaasho korontada cadceedda

0
221

Barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa ka hadlay dhibaatooyinka dhanka adeegga korontada ee ka jira dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in madaxda la soo doortay ay ku dadaalayaan sidii dowladda dhexe ay ku xallin lahayd caqabaddan.
Barasaabka ayaa sheegay in isbitaalka Wajeer iyo xafiisyada ismaamulka oo uu ugu horreeyo midka guddoomiyaha lagu rakibi doono korontada laga soo saaro cadceedda si loo sii isticmaalo.
Waxaa uu shacabka ku boorriyay in cidii awoodo ay adeegsato korontada cadceedda si loo fududeeyo culeyska jira.