Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in siyaasiyiinta ka tirsan isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ay difaaci doonaan qorshayaasha horumarineed ee dowladda marka loo bandhigo baarlamaanka.
Hoggaamiyaha labaad ee Kenya ayaa hoosta ka xarriiqay in qorshayaashan ay ka mid tahay canshuur hor leh oo la soo saaro.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo la filaya in toddobaadka dambe baarlamaanka uu eego warbixinta guddiga maaliyadda ee ku saabsan hindisaha muranka dhaliyay ee Finance Bill 2023.
Rigathi Gachagua oo gaashaanka u daruuray dhaliilaha mucaaradka Azimio La Umoja-One Kenya ayaa dhanka kale shacabka ku boorriyay inay taageeraan ajeendayaasha horumarineed ee dowladda dhexe.