Mike Pence oo horay Maraykanka uga soo noqday madaxweyne ku xigeen ayaa la filayaa inuu shaaca ka qaado ololihiisa uu ugu tartamaya hoggaanka ugu sarreeya wadankaasi.
Waxaa uu la tartami doonaa Donald Trump oo uu ku xigeen u ahaa.
Wakaaladaha wararka ee AP iyo Reuters ayaa tabinaya in Mike Pence uu qorshihiisa madaxtinnimo ku dhawaaqi doono 7-da bishan 6-aad ee June.
Waxaa uu ololihiisa ku soo bandhigaya gobolka Iowa.