Kenya oo looga dabaal degaya maalinta Madaraka Day

0
210

Waxaa maanta dalka looga dabaal degaya 60 sano oo ka soo wareegatay 1-dii bishii Lixaad ee sanadkii 1963-dii xilligaasi oo ay Kenya madax bannaani ka qaadatay guumaystihii Ingiriiska.
Maalinkan ayaa loo yaqaana Madaraka Day waxaana xuska qaran sanadkan lagu qabanaya fagaaraha Moi Stadium ee ismaamulka Embu.
Xuskan ayaa ka mid ah fasaxyada qaran sida ku qeexan farqada 8-aad ee dastuurka wadanka.
Ugu yaraan 10,000 oo kenyaan ah ayaa dabaal deggan maanta uga qayb galay fagaaraha Moi Stadium ee Embu.
Hal ku dhigga xuska Madaraka Day ee 2023-ka ayaa ah ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah ee (SMEs) oo ka mid ah qorshaha horumarinta dhaqaalaha ee maamulka talada wadanka haya.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hadda jeedinaya khudbad uu ku ammaanaya halyeeyadii u soo dagaallamay xornimada wadanka waxaana la filaya inuu faahfaahin ka bixiyo qorshayaasha maamulkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here