Ismaamulka Garissa oo bixiyay 14 milyan oo ah lacagaha waxbarashada

0
298

Barasaabka ismaamulka Garissa Nadiif Jaamac Aadan ayaa daahfuray barnaamij ardayda looga bixinaya qarashaadka waxbarashada.
Waxaa madashaasi lagu soo bandhigay 14.8 milyan oo shilin oo howshan lagu qarash gelin doono.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in taageeradan dhaqaale ay ka faa’iidaysanayaan 1,116 oo ah ardayda wax ka barta 15 xarumood oo isugu jiro jaamacado iyo machadyo maxalli ah.
Dhanka kale barasaabka ayaa goobjoog u ahaa xaflad lagu dhaarinayay xubnaha guddiga maamul degmeedka hoose ee Masalani oo dhawaan xariga laga jaray.
Waxaa uu xubnaha guddigan kula dardaarmay inay shacabka Masalani u fidiyaan adeegyo tayo leh.
Shakhsiyaadka ka tirsan guddiga la dhaariyay ayaa kala ah.
1. Mohamed Hajir Sheikh – Chairman
2. Ismail Duale Korio – Member
3. Hussein Abdullahi Gedi – Member
4. Aden Ali Abdi – Member
5. Dayib Yare Bashir – Member
6. Maryam Mohamud Mohamed – Member
7. Leila Ahmed Abdullahi – Member