Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Militariga Suudaan oo hakiyey ka qayb galka wada hadallada nabadeed

Militariga Suudaan oo hakiyey ka qayb galka wada hadallada nabadeed

Ciidamada qalabka sida ee dalka Suudaan ayaa hakiyay ka qayb galka wada hadallo nabadeed oo lagu qabanayay magaalada dekedda ee Jeddah ee boqortooyada Sacuudi Carabiya .
Waxaa wada hadallada diiradda lagu saarayay heshiisyada xabad joojinta iyo in la furo marinnada gargaarka baniaadannimo.
Afhayeen u hadlay militariga Suudaan oo lagu magacaabo Nabil Cabdalla ayaa warbaahinta Aljazeera u sheegay inay go’aankan qaateen maadaama saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF ay ku xadgudbeen heshiisyadii xabad joojinta ee la gaaray.
Kooxda RSF ayaa dhankooda sheegay in militariga uu doonaya in isagoo awood iyo hub adeegsanaya uu weeraro saldhigyadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments