Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka QM oo cusbooneysiisay xayiraadda hubka ee saaran Suudaanta Koonfureed

QM oo cusbooneysiisay xayiraadda hubka ee saaran Suudaanta Koonfureed

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu cusbooneysiinaya cunaqabateynta dhanka hubka ee horay loo saaray Suudaanta Koonfureed.
Cunaqabateynta dhanka hubka ee dalkaasi saaran ayaa hadda sii shaqeyn doonto ilaa 31-da bisha Shanaad ee sanadka 2024.
Waxaa codeynta arrinkan ku aaddan ka gaabsaday waddamada Shiinaha , Ruushka ,Ghana, Gabon iyo Mozambique.
Suudaanta Koonfureed ayaa dal madax bannaan noqotay sanadkii 2011-kii ka dib markii ay ka go’day Suudaan.
Waxaa tani iyo xilligaasi saameyn ku yeeshay xasilooni darro siyaasadeed, macluul iyo musiibooyin dabiici ah.
Intii u dhexeysay sanadihii 2013 ilaa 2018-kii waxaa gudaha Suudaanta Koonfureed lagu dilay 400,000 qof halka malaayiin kale ay ku barakaceen dagaallada sokeeye.
In kastoo sanadkii 2018-kii la saxiixay heshiis nabadeed, waxaa weli socdo rabshadooyin.
Bishii Afaraad ee sanadkan, tirada barakacayaasha gudaha ee Suudaanta Koonfureed ayaa lagu sheegay 2.3 milyan oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments