Maraykanka oo ka baaran degaya inuu xayiraad saaro Uganda

0
220

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka baaran degaya in cunaqabateyn lagu soo rogo Uganda ka dib markii madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni uu saxiixay hindise sharciyeed lagu mamnuucaya xiriirka dadka isku jinsiga ee wax iska daya.
Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay tallaabada uu qaaday dhigiisa Uganda wuxuuna ku tilmaamay mid dib u dhac ku ah dimuqraadiyadda.
Waxaa uu sheegay in tani ay halis gelinaysa adeegyada shacabka Uganda ay ka helaan Maraykanka.
Biden ayaa intaasi ku daray inuu maamullada kala duwan ku amray inay qiimeeyaan saameynta ka dhalan karto xeerka la saxiixay ee dalka Uganda.
Waxaa uu xusay in tallaabooyinka ay ka fikirayaan ay ka mid tahay in cid waliba oo sida uu qoraalka u dhigay ku xadgudbaysa xuquuqul aadanaha ama ku lug leh musuqmaasuqa laga mamnuuco inay gudaha u gasho Maraykanka.
Biden ayaa dhanka kale raja wanaagsan ka muujiyay in isbeddel lagu sameyn doono xeerka la ansixiyay si aan loo waxyeelleyn xiriir 60 sano ka dhexeyay Maraykanka iyo Uganda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladiisa ay sanad kasta gudaha Uganda ka sameyso maalgelin dhan hal bilyan oo doolar.
Hindisaha uu shalay qalinka ku duugay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa taageero ka haysta gudaha wadankaasi balse waxaa dhaliilay Maraykanka , Ingiriiska , Midowga Yurub iyo hay’adaha caalamiga ee u ololeeya xuquuqul insaanka.