Codbixiyeyaasha dalka Turkiga ayaa ka qayb qaadanaya wareegga labaad ee doorashada guud oo ay ku soo xulanayaan madaxweynaha wadankaasi hoggaamin doono shanta sano ee nagu soo aaddan.
Wareegii koowaad ee codbixinta ayaa dhacay 14-kii bishan May.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xilligaasi helay boqolkiiba 49.5 ee codadka halka Kemal Kilicdaroglu oo matalaya mucaaradka uu soo hooyay boqolkiiba 44.9 ee codadkii la dhiibtay taasoo keentay in guddiga doorashooyinka ee wadankaasi uu shaaciyo in loo gudbaya wareegga labaad ee codeynta .
Recep Tayyip Erdogan oo 69 sano jir ah iyo siyaasiga sida wayn ula tartamaya Kemal Kilicdaroglu oo ay da’diisu tahay 74 sano ayaa ka kala codeeyay magaalooyinka Istanbul iyo Ankara .
Qaar ka mid ah sanduuqyada codeynta ayaa la geeyay guriyaha si ay codadkooda u dhiibtaan waayeellada, dadka xanuunsan iyo kuwa naafada ah.
Sinan Ogan, oo wareegii koowaad soo galay nambarka saddexaad ayaa hadda taageeraya Erdogan.




