Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Imran Khan iyo qoyskiisa oo laga mamnuucay inay u safraan dibadda Pakistan

Imran Khan iyo qoyskiisa oo laga mamnuucay inay u safraan dibadda Pakistan

Dowladda Pakistan ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaasi Imran Khan, xaaskiisa iyo boqolaal ka mid ah kaaliyeyaasha siyaasadeed ka mamnuucday inay u ambabaxaan safar dibadeed.
Ugu yaraan labo sarkaal oo ka tirsan dowladda Pakistan ayaa wakaaladda wararka ee DPA ee laga leeyahay Jarmalka sidatan u sheegay.
Waxaa xayiraadda soo saartay hay’adda baaritaannada ee dowladda Pakistan ee (FIA) oo sidoo kale qaabilsan arrimaha socdaalka iyo xakameynta dhaqdhaqaaqa dhanka xuduudaha.
Imran Khan, xaaskiisa Bushra Bibi iyo in ka badan 500 oo ka mid ah mas’uuliyiinta iyo xubnaha xisbiga mucaaradka ee (PTI) ayaa lagu daray liiska dadka aan loo oggolayn inay wadakaasi ka safraan.
Imran Khan ayaa maanta dowladda Pakistan uga mahadceliyay tallaabada ay qaadday isagoo sheegay inuunan lahayn qorsho uu dibadda ugu safraya maadaama uunan qurbaha ku lahayn hanti, ganacsi iyo xita akoon bangiyadeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments