Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Nuurdiin Xaaji oo lagala laabtay abaal marin horay loo siiyay

Nuurdiin Xaaji oo lagala laabtay abaal marin horay loo siiyay

Hay’adda caalamiga ee daahfurnaanta ee Transparency International qaybteeda Kenya ayaa agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji kala laabatay abaal marin ay siisay sanadkii 2019-kii.
Waxaa arrinkan shaaca looga qaaday bayaan ay soo saartay agaasimaha fulinta ee TI- Kenya Sheila Masinde.
Abaalmarinta ayaa ku saabsanayd hufnaanta dhanka hoggaanka.
Waxay Sheila hoosta ka xarriiqday inay abaalmarinta Nuurdiin meesha ka saareen ka dib cabashooyin badan oo la gudbiyay iyo qiimeyn lagu sameeyay kiisas culus oo bilooyinkii ugu dambeeyay uu soo afjaray agaasimaha.
Waxaa dacwadaha ka mid ahaa kuwo ay wajahayeen madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo wasiiradda jinsiyadda Aisha Jumwa.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la filaya in Talaadada soo socoto uu baarlamaanka turxaan bixiyo Nuurdiin Xaaji oo uu dhawaan madaxweynaha dalka William Ruto u magacaabay xilka agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments