Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta ka qayb galay bandhigga dakhliga ee shirkadaha yaryar , kuwa dhexe iyo iskaashatooyinka oo lagu qabtay jaamacadda Embu ayaa difaacay qorshaha dowladda ee dhanka guriyeynta.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in barnaamijkan uu fursado shaqo u abuuraya dhallinyaro badan oo kenyaan ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhaliilay siyaasiyiinta ka soo horjeeda qorshaha qof waliba oo shaqeeya iyo goobta uu ka howlgalo bishiiba looga jaraya boqolkiiba min saddex si lacagtan loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta.
Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah madaxda ay kenyaanka ka hor istaagayaan fursad ay mustaqbalka guriyo u gaar ah ugu iibsan karaan qiimo ay awoodaan.