Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo sheegay in la maalgelinaya dugsiyada

Madaxweynaha dalka oo sheegay in la maalgelinaya dugsiyada

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay kordhin doonto miisaaniyadda la siiyo maamullada dugsiyada wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dhaqaalahan loo adeegsan doono wanaajinta kaabayaasha xarumaha tacliinta iyo shaqaaleysiinta howlwadeenno dheeraad ah.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in maamulkiisa ay ka go’an tahay xal u helidda caqabadaha ka jira dugsiyada si ardayda ay wax ugu bartaan jawi wanaagsan.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu dhagax dhigay dhismaha sheybaar iyo mid ka mid ah qaybaha ay ardayda seexdaan oo laga hirgelinaya dugsiga sare ee Nairobi.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay sameyn doonto wax waliba oo ay ku qaadato si howlaha waxbarashada iyo adeegyada la xiriira looga dhigo kuwo casri ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments