Ciidamada ammaanka ee dalka Algeria ayaa xabsiga u taxaabay Karim Tabbou oo ka mid ah hoggaamiyaasha mucaaradka ee wadankaasi.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta qofkan loo xiray .
Walaalkii oo lagu magacaabo Djaffar ayaa sheegay in booliis aan ku labisnayn dareeska rasmiga ee ciidamada ay Karim ka kaxeeyeen gurigiisa.
Ninkan ayaa ka tirsan dhaqdhaqaaqa Algerian Hirak movement wuxuuna sidoo kale hoggaamiyaa xisbiga (UDS).