Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha oo mas’uuliyiinta dowladda uga digay musuqmaasuqa

Madaxweynaha oo mas’uuliyiinta dowladda uga digay musuqmaasuqa

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaqaalaha dowladda sida wasiirrada , madaxda waaxyaha iyo hay’adaha dowliga ah uga digay ku lug lahaanshaha falalka musuqmaasuqa ee lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Warqad uu saxiixay madaxa waaxda adeegga dadweynaha Felix Koskei, ayuu madaxweynaha ku sheegay in mas’uulkii lagu cadeeyo musuqmaasuq si shakhsi ah looga qaadaya tallaabo sharciyeed.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in marnaba uunan oggolaan doonin in mas’uuliyiinta ay dhaawacaan sumcadda maamulkiisa.
Waxaa qoraalka ku cad in haddii wasaarad , waax ama shirkad dowladeed ay ku takriifasho dhaqaalaha dowladda in qofka qaybtaasi hoggaamiyo uu qaadaya mas’uuliyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments