Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Canada iyo Sacuudi Carabiya oo dib u soo celinaya xiriirkoodi dibloomaasiyadeed

Canada iyo Sacuudi Carabiya oo dib u soo celinaya xiriirkoodi dibloomaasiyadeed

Dowladda Canada iyo boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa labaduba sheegay inay diyaar u yihiin dib u soo nooleynta xiriirkii dibloomaasiyadeed ee u dhexeyay oo xumaaday sanadkii 2018-kii ka dib muran ka dhashay arrimaha xuquuqul aadanaha.
Arrintan ayay ku shaaciyeen bayaano kala duwan oo ay soo saareen.
Canada ayaa safiirkeeda Sacuudi Carabiya u magacawday Jean-Philippe Linteau oo muddo dheer xubin ka ahaa waaxda dalkaasi u qaabilsan arrimaha dibadda iyo ganaciga caalamiga ah in kastoo Sacuudiga uunan weli xulan danjiraha Canada ku matalaya.
Tallaabadan ayaa daba socota wada hadal ay bishii 11-aad ee sanadkii hore ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo Dhaxalsugaha Sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan.
Khilaafka dalalkan kala geeyay sanado ka hor ayaa ku saleysnaa in boqortooyada Sacuudi Carabiya ay xirtay dhowr ka mid ah haweenka caanka ah ee u ololeeya xuquuqul aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments