Safaaradda Shiinaha ee Kenya oo beenisay eedeyn loo jeediyay muwaadiniinteeda

0
235

Safaaradda dowladda Shiinaha ay ku leedahay magaalada Nairobi ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku beenisay warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters oo lagu sheegay in koox u dhashay Shiinaha ay weerar dhanka intarneetka ah ku bartilmaameedsadeen baraha dowladda Kenya.
Afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Nairobi ayaa warbixintan ku tilmaamay mid been abuur oo aan wax caddeyn ah loo hayn.
Safaaradda waxay intaasi ku dartay in weerarrada dhanka intarneetka ay halis ku yihiin waddamada caalamka oo uu Shiinuhu ka mid yahay balse aynan marnaba jirin sabab xukuumadda Beijing iyo muwaadiniinteeda ay u farageliyaan hannaanka dowladda Kenya iyo dalalka kaleba.