Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ruushka iyo Shiinaha oo heshiisyo saxiixday

Ruushka iyo Shiinaha oo heshiisyo saxiixday

Dowladaha Ruushka iyo Shiinaha ayaa saxiixday heshiisyo iskaashi in kastoo ay dhaliil uga imaanaysa dhanka reer galbeedka.
Ra’iisul Wasaaraha Ruushka Mikhail Mishustin ayaa sheegay in cadaadiska xasaradda ku saleysan ee ay kala kulmayaan reer galbeedka uu xiriirka Ruushka iyo Shiinaha gaarsiinaya heer sarreeya oo aan horay loo arag.
Dareenkan ayuu Mishustin muujiyey ka dib kulan uu maanta la qaatay dhigiisa Shiinaha Li Qiang .
Kulanka oo qabsoomay caasimadda Shiinaha ee Beijing ayay labada mas’uul ku wada saxiixdeen heshiisyo ay xukuumadahooda iskaga kaashanayaan dhanka ganacsiga iyo cayaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha Ruushka ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.
Iskaashiga ganacsi ee labada dal u dhexeya ayaa sanadkii hore gaaray qiimo lacageed oo dhan 190 bilyan oo doolar sida laga soo xigtay waaxda kastamka ee Shiinaha.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments