Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka QM oo sheegtay in ku dhawaad 17,000 oo shacab ah ay sanadkii...

QM oo sheegtay in ku dhawaad 17,000 oo shacab ah ay sanadkii hore dagaallo ku dhinteen

Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaadday in sanadkii hore dagaallo ka dhacay qaar ka mid ah waddamada caalamka lagu dilay ku dhawaad 17,000 qof oo rayid ah.
8,000 oo tiradan ka mid ah ayaa lagu dilay gudaha Ukraine oo uu Ruushka duullaan militari ka wado in ka badan hal sano.
Dhimashada shacabka ee ka dhalatay dagaallada ayaa sanadkii hore korortay boqolkiiba 53 marka loo barbardhigo sanadkii 2021.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in tani ay muujinaysa in caalamka uu ku fashilmaya badbaadinta rayidka.
Waxaa uu xusay in shacabka ay muddo dheer saameyn ka soo gaareysay iskudhacyada sidaasi awgeedna la joogo xilligii laga dhabeyn lahaa ballantii ay madaxdu qaadeen ee ahayd badbaadinta nolosha bulshada.
Madaxa qaramada midoobay ayaa intaasi ku daray in dadka qaxootiga ah ee guriyahooda uga barakacay shaqaaqooyin, dagaallo , bartilmaameedsi iyo ku xadgudubka xuquuqul aadanaha ay tiradoodu gaartay 100 milyan oo ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments