Barasaabka ismaamulka Busia Paul Otuoma ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu kala dhexdhexaadiyo dhigiisa dowlad deegaanka Siaya James Orengo iyo ku xigeenkiisa William Oduol oo uu ka dhexeyo isfahan waa’ shaqo.
Otuoma ayaa xilli uu ku sugnaa deegaan baarlamaneedka Alego Usonga, hoosta ka xarriiqay inuu labada mas’uul u bandhigi doono wada hadallado la isugu keenaya si diiradda loo saaro u adeegidda shacabka Siaya.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu saaxiib la yahay Orengo iyo ku xigeenkiisa sidoo kalena ay caddahay shaqada mid waliba laga doonaya inuu qabto.
Sidoo kale barasaabka Busia ayaa guddoomiye ku xigeenka Siaya kula taliyay inuu xoogga saaro gudashada waajibaadkiisa shaqo oo uu ka tanaasulo isqabqabsiga hoggaamineed.
Barasaab ku xigeenka ismaamulka Siaya William Oduol oo wareysi siiyay talefishinka maxalliga ee Citizen ayaa dhankiisa sheegay in isaga iyo Orengo uunan ka dhexeyn khilaaf shakhsiyadeed balse ay isku hayaan arrimaha maamul wanaagga gaar ahaan la dagaalanka musuqmaasuqa.
Dhanka kale xisbiga ODM ayaa Oduol ugu baaqay inuu is casilo oo uu guddoomiyaha Siaya fursad u siiyo inuu magacaabo ku xigeen hor leh.