Madaxweynaha dalka oo guddoominaya shirka siyaasiyiinta Kenya Kwanza

0
216

Waxaa xarunta madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi ka socdo shirka xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare ee isbeheysiga Kenya Kwanza.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shirkan guddoominaya.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galaya wasiirrada iyo saraakiisha kale ee dowladda sare.
Axaddii ayay ahayd markii madaxweynaha oo xilligaasi ku sugnaa ismaamulka Isiolo uu shaaciyay kulanka maanta dhacaya.
Kulankan oo ah midkii 6-aad tan iyo markii uu hoggaanka wadanka qabtay Ruto ayaa looga arrinsan doonaa qorsheynta mashaariicda horumarineed ee laga fulinaya ismaamullada dalka iyo wax ka qabashada heerka shaqa la’aanta.
Ruto ayaa sheegay inuu xeer dejiyaasha kala tashan doono sida mid waliba oo ka mid ah deegaannada hoose ee dalka looga hirgelin karo xarun tiknolojiyadeed oo ay dhallinyarada ka heli karaan shaqooyinka dhijitaalka ah.