Nin ku eedeysan qaybinta sonkor laga dayriyay oo la qabtay

0
315

Waxaa habeen ka hor garoonka diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi lagu qabtay Chrispus Waithaka oo ku eedeysan inuu ka dambeeyay qorsho lagu xaday ka dibna suuqa lagu geliyay sonkor dhacday .
Sonkortan oo ku jirtay 20,000 oo kiish ayaa qiimaheeda lagu sheegay 163 milyan oo shilin.
Mr .Waithaka oo ah agaasimaha shirkadda Assets and Cargo Limited ayaa la xiray ka dib markii uu ka yimid magaalada Dubai ee dalka Isutagga imaaraadka Carabta.
Waxaa eedeysanaha lagu haaya saldhigga booliiska ee deegaanka Kamukunji isagoo baaritaano dheeraad ah maraya ka hor inta aan maanta maxkamadda la soo taagin.
Shan eedeysanayaal kale oo lala xiriirinaya arrinkan oo labo ka mid ah laga qabtay xaafadda Islii ayaa ku jira gacanta booliiska.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maalmo ka hor shaqada laga joojiyay saraakiisha sare ee shirkadda tayadhowrka badeecooyinka ee KEBS iyo maamulka canshuuraha dalka ee KRA si loo ogaado sida ay ku dhacday in la fasaxay sonkor la qabtay oo aan la oggolayn in dadweynaha laga iibiyo .