DAAWO:Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo ka tacsiyadeeyay dad ku dhintay dab ka kacay agagaarka masjidka xaramka ee Makkah

0
223

Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistan Maxamad Shehbaz Shariif ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska ay ka baxeen 8 qof oo xujeey ah oo ku geeriyooday dab ka kacay agagaarka masjidka xaramka ee magaalada Makkah ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Dadkan ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeday Pakistan.
Waxaa uu wasaaradda diinta iyo awqaafta ee dalka Pakistan faray inay la tacaalaan xaaladda caafimaad ee xujeyda dhaawacmay oo gaaraya 6.
Sidoo kale, waxaa tacsi tan la mid ah diray maamulka labada masjid ee barakeysan.
Dabka ayaa saameeyay maqaaxi ay ku sugnaayeen xujeyda waxaana dhacdadan xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakistan.