Madaxweynaha Ukraine oo safar aan la shaacin ku tagay Sacuudiga

0
269

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa safar lama filaan ah ku tagay boqortooyada Sacuudi Carabiya halkaasi oo ay ku kulmayaan hoggaamiyaasha dalalka carbeed.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu hoggaamiyaha Ukraine ku sheegay inuu Sacuudi ku tagay safarkiisi ugu horreeyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in socdaalkiisa uu yahay mid ku qotomo xoojinta iskaashiga dalkiisa kala dhexeya waddamada carabta.
Zelenskyy qoraalkiisa waxaa qayb ka ah inuu madaxda kala hadli doono maxaabiista siyaasadeed ee ku xiran gobolka Crimea oo uu sanadkii 2014-kii Ruushka ka goostay Ukraine ,deegaannada sida ku meel gaarka ah loo haysto, dib u soo celinta dadkooda, habraaca amni iyo iskaashiga dhanka tamarta.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in boqortooyada Sacuudi Carabiya ay door muhiim ah ka qaadato arrimahan sidaasi awgeedna uu doonaya in xiriirka ay la leeyihiin ay gaarsiiyaan heerka xiga.