Ugu yaraan 96 qori oo laga helay Samburu

0
292

Waxaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay laamaha ammaanka ee ismaamulka Samburu lagu soo wareejiyay ugu yaraan 96 qori oo sharci darro ah.
Samburu ayaa ka mid ah ismaamullada uu ka socdo howlgalka loogu magacdaray Maliza Uhalifu ee lagu dabar goynaya falalka amni darro ee ku soo noqnoqday Waqooyiga Rift Valley.
Waxaa qoryahan soo dhiibay qaybaha bulshada.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa dhanka kale sheegtay in dib loo soo helay xoolo dhan 75 oo isugu jira ari iyo lo’ horay loo dhacay.
Arrinkan ayaa lagu shaaciyay kulan uu maanta wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki uu la qaatay taliyaasha amniga ee Samburu.