Dhakhtar u dhashay Australia. oo la soo siidaayay ka dib markii la afduubtay 7 sano ka hor

0
188

Waxaa lagu soo warramayaa inuu 7 sano ka dib xurriyadiisa dib u helay sarkaal caafimaad oo 88 sano jir ah oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Australia.
Dhakhtartan ayaa lagu afduubtay oo muddadaasi lagu haystay gudaha Galbeedka Afrika.
Dowladda Australia ayaa xaqiijisay in Kenneth Elliott uu qoyskiisa dib ula midoobay isagoo badqaba.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Australia Penny Wong ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku xaqiijisay in dhakhtarta uu hadda xor yahay waxayna uga mahadcelisay saraakiisha Australia ee ka shaqeeyay in laga soo siidaayo kooxdii uu u afduubnaa.
Bishii Jannaayo ee sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii Elliott iyo xaaskiisa ay dagaalyahaanno lagu tilmaamay fallaago ka afduubteen Waqooyiga dalka Burkina Faso oo ay ka shaqeynayeen.
Saddex isbuuc ka dib ayay kooxda soo siidaysay xaaskiisa Jocelyn Elliott.
Al-Qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyadda afduubka lamaanaha waxayna sheegtay in haweeneyda la soo fasaxay ka dib cadaadis uga yimid shacabka iyo madaxda kooxdan oo ku taliyay in haweenka aan lagu dhibaateyn dagaallada.