Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ganacsatada wadanka Singapore ku boorriyey inay maalgashi ka sameeyaan gudaha Kenya gaar ahaan dhinacyada gaadiidka iyo tasiilaadka.
Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka faa’iidaysan doonto xiriirka wanaagsan ee kala dhexeya Singapore si badeecooyinkeeda ay ugu iibgayso suuqyada bariga qaaradda Aasiya oo ay ka adeegtaan ilaa 670 milyan oo ruux.
Tani ayaa timid ka dib markii hoggaamiyaha dalka uu xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu ku qaabilay oo ayna ku wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha Singapore Lee Hsien Loong .
Labada mas’uul ayaa sidoo kale wada saxiixday heshiisyo ku saabsan tiknolojiyadda , la tacaalidda isbeddelka cimillada iyo horumarinta xirfadaha.
William Ruto ayaa laga soo xigtay in is-afgaradka dhanka tiknolojiyadda ee uu la gaaray Ra’iisul Wasaaraha Singapore uu dardargelinaya in labada waddan ay iska kaashadaan la dagaalanka weerarrada dhanka intarneetka iyo casriyeynta adeegyada dowladda .
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladahan ay ka wada shaqeyn doonaan sare u qaadidda aqoonta iyo tayada shaqaalaha dowladda iyo ardayda.
πππππ ππ πππ πππππππππ ππ πππ ππππ πππ πππππ ππππππ
Kenya will consider Singaporeβs strategic location in South East Asia as a gateway to its products. – https://t.co/tyoTLJ9j8a pic.twitter.com/pKNYy4Wexh
— State House Kenya (@StateHouseKenya) May 18, 2023