Akoonnada bangiyeed ee madaxa diiwaangelinta garsoorka oo la xannibay

0
271

Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Nairobi ayaa soo saartay amar lagu xannibaya akoonnada bangiyeed ee madaxa diiwaangelinta waaxda garsoorka wadanka Anne Atieno Amadi.
Xannibaadda ayaa saameynaysa akoon uu leeyahay wiilkeeda Brian Ochieng Amadi iyo labo kale.
Tani ayay micnaheedu tahay in akoonnadan aan lacago lagala bixi karin.
Tani ayaa timid ka dib markii Ms. Amadi, wiilkeeda iyo labo qof oo kale ay dacwad ka gudbisay shirkad ku taalla magaalada Dubai ee isugu tagga Imaaraadka Carabta oo ka ganacsata dahabka.
Shirkadda Bruton Gold Trading LLC ayaa dacwadeeda ku sheegtay in eedeysanayaasha ay ka qaateen 89 milyan oo shilin si ay uga iibiyaan dahab balse aynan shirkadda ku wareejin kheyraadkan.