Wasiiradda wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Florence Bore ayaa Mike Macharia u magacawday inuu xubin ka noqdo guddiga maamulo sanduuqa qaran ee howlgabnimada ee NSSF.
Waxaa uu guddigan ka mid ahaan doonaa muddo Saddex sano ah.
Wasiir Bore ayaa magacaabidda Macharia ku shaacisay wargeyska rasmiga ee dowladda oo ku taariikhaysan 17-kii bishan May.
Guddiga uu ku biiraya sarkaalkan waxaa uu ka kooban yahay guddoomiyaha oo uu magacaabo wasiirka , xoghayaha joogtada ee qaabilsan arrimaha maaliyadda , xoghayaha wasaaradda shaqaalaha gaar ahaan waaxda badqabka bulsho iyo toddobo xubnood oo kale.
Waaxdan ayaa ka shaqeysa diiwaangelinta macluumaadka shaqaalaha , keydinta lacagaha billaha ah ee ay bixiyaan iyo maareynta dhaqalahan si marka qofka shaqaalaha ah uu howlgabka noqdo uu uga faa’iidaysto lacagaha uu ku keydsaday sanduuqa qaran ee NSSF.