Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Nakuru, Mr. Lyford Kibara ayaa maanta guddoomiyay kulan ay ka qayb galeen mas’uuliyiinta amniga ee deegaannada hoos tago Nakuru .
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in kulankaasi diiradda lagu saaray la dagaalanka isticmaalka iyo ka ganacsiga balwadda noocyadeeda kala duwan.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa faahfaahin ka bixiyay noocyada daroogada ee ay qabteen, goobaha la xiray iyo digniinta uu u diraya dadka arrimahan ku howlan.