Madaxweynaha oo baarlamaanka ku wargeliyay inuu Nuurdiin u magacaabay agaasimaha NIS

0
239

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa baarlamaanka si rasmi ah ugu wargeliyay go’aan uu dhawaan agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka Nuurdiin Xaaji uu ugu magacaabay agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka(NIS).
Ruto ayaa doonaya in xildhibaannada baarlamaanka ay ansixiyaan magacaabidda sarkaalkan.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka sheegay inuu ku kalsoon yahay geeddisocodka sharciyeed ee la marinaya Nuurdiin Xaaji.
Haddii uu baarlamaanka ansixiyo magacaabidda Nuurdiin, waxaa uu mar kale ku biiraya waax uu horay uga soo noqday agaasime ku xigeen 6 sano ka hor.
Waxaa uu buuxin doonaa jagada uu howlgabka ka noqday agaasimihii NIS Philip Wachira Kameru oo xilkan qabtay bishii Sagaalaad ee sanadkii 2014-kii.
Nuurdiin Xaaji oo 6-dii sano ee ugu dambeysay ahaa agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka ayaa haysta shahaadooyinka heerarka Degree iyo Masters ee culuunta sharciga oo uu ka qaatay jaamacadda Wales oo ku taalla Cardiff ee Ingiriiska.
Sidoo kale waxaa uu shahaado labaad oo heerka Masters ah gaar ahaan culuunta xeerarka amniga qaran uu ka qaatay jaamacadda qaran ee Australia.
Nuurdiin Xaaji ayaa arrimaha sharciga ku shaqeynayay tan iyo sanadkii 1999 waxaa uuna bishii koowaad ee sanadkii 2000 uu ku biiray xafiiska xeer ilaaliyaha guud isagoo noqday qareen dowladeed.