Bangiga dhexe ayaa hakiyey maalgelinta mashaariic baniaadannimo iyo kuwo horumarineed oo uu qorshuhu ahaa in laga fuliyo jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Waxaa uu bangiga barnaamijyadan ku taageeri rabay in ka badan 137.3 bilyan oo shilin una dhiganta hal bilyan oo doolar.
Hasa ahaate go’aanka uu bangiga adduunka qaatay ayaa yimid ka dib markii dowladda dalka DRC ay kala dirtay guddiga sanduuqa mashaariicda iyadoo aan digniin hore bixin.
Tallaabada uu bangigu qaaday ayaa saameynaysa in ka badan 600,000 oo qof oo ka faa’iidaysan lahaa dhaqangelinta mashaariicdan.
Waxaa dadkan ka mid ah dhibanayaasha tacaddiga galmo .
Go’aanka bangiga ayaa lagu wargeliyay wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Congo.
4-tii bishan May ayay ahayd markii madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi uu amar madaxweyne ku jebiyay sanduuqa arrimaha bulshada ee dalkaasi isagoo mid kale soo dhisay.
Hasa ahaate agaasimaha howlaha bangiga adduunka ee gudaha DRC Albert Zeufack ayaa sheegay inay arrintan uga war heleen warbaahinta.