Bandow lagu soo rogay Lesotho

0
242

Maamullada ammaanka ee dalka Lesotho ayaa ku dhawaaqay amar bandow ah oo shaqeynaya laga billaabo 10-ka habeenimo ilaa afarta aroornimo.
Tani ayaa looga gol-leeyahay xakameynta dhaqdhaqaaqa dadweynaha ee xilliga habeenkii si loola tacaalo rabshadaha hubka loo adeegsada ee wadankaasi ku soo kordhay.
Tallaabadan oo xalay dhaqan gashay ayaa timid maalmo un ka dib markii toogasho lagu dilay wariye caan ahaa laguna magacaabi jiray Ralikonelo Joki oo ka howlgalayay idaacad ku taalla dalkaasi.
Dokumeenti uu ku saxiixan yahay magaca taliyaha guud ee booliiska dalkaasi Holomo Molibeli ayaa muujinaya in shacabka aan loo oggolayn inay bannaanka ku sugnaadaan saacadaha uu jiro bandowga.
Mr.Molibeli ayaa sheegay in xaaladdan ay sii jiri doonto ilaa amar dambe .
Waxaa uu intaasi ku daray in cidii aan u hoggaansamin bandowga lagu soo rogay dalka Lesotho la ganaaxaya ama la xiri doono labo sano.
Ralikonelo Joki ayaa habeennimadii Axadda waxaa dilay koox aan weli la aqoonsan xilli uu shaqo ka soo baxay.
Guddiga badbaadinta wariyaasha ee (CPJ) ayaa sheegay in ugu yaraan 13 mar laga toogtay madaxa.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo xiray falkaasi waxayna CPJ laamaha ammaanka ee Lesotho ka dalbatay inay sameeyaan baaritaano wax ku ool ah si tallaabo sharciyeed looga qaado dadka wariyaha dilay.