Canada oo beenisay inay fursado shaqo oo badan ay dalkaasi uga bannaan yihiin kenyaanka

0
288

Dowladda Canada ayaa qoraal ay soo saartay ku beenisay inay dalkaasi ka jiraan fursado shaqo oo badan oo u furan kenyaanka.
Tani ayaa timid ka dib markii wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Alfred Mutua uu hoosta ka xarriiqay in safar uu Canada ku tagay ka dib uu kulan la qaatay dhigiisa wadankaasi oo ay ku heshiiyeen in shaqo abuur loo sameeyo kenyaanka.
Mutua ayaa xusay in geeddisocodka uu maraya qofka shaqo u raadsanaya Canada uu yahay mid fudud balse la doonaya inuu taxaddaro.
Waxaa uu intaasi ku daray inay socdaan wada hadallo arrinkan ku aaddan oo ay maalmo kooban gudahooda ku shaacin doonaan nidaamka habboon ee la adeegsan karo .
Alfred Mutua ayaa sheegay in Kenya ay diyaar u tahay buuxinta gaabadka tirada shaqaalaha ee looga baahan yahay wadanka Canada.

Hasa ahaate waaxda Canada u qaabilsan arrimaha socdaalka , qaxootiga iyo jinsiyadda (IRCC) oo bayaan soo saartay ayaa qoraalka wasiirka ku sheegtay mid aan sax ahayn.
Qoraalka IRCC ayaa muujinaya in baraha bulshada lagu faafiyay warbixinno tilmaamaya inay Canada ka jiraan barnaamijyo gaar ah oo lagu soo dhaweynaya kenyaanka taasina ay been abuur tahay.