Booliiska Nairobi oo qabtay caano laga soo gudbay waqtigii loogu talagalay in dadka laga iibiyo

0
292

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Nairobi ayaa xarun ganacsi ka helay caano xilli hore dhacay oo aynan habboonayn in dadweynaha laga iibiyo.
Caanahan oo ku jira 1,511 baakimo ah ayaa qiimo ahaan lagu sheegay in ka badan 75 milyan oo shilin.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo bayaan soo saartay.
Howlgalka lagu helay caanaha ayaa yimid ka dib xog ay bixisay waaxda taya dhowrka badeecooyinka ee KEBS oo sheegtay in haddii shacabka ay isticmaalaan ay ka soo gaari karto waxyeello caafimaad.