Golaha wasiirrada oo ansixiyey nidaam lagu kobcinaya dakhliga KPLC

0
203

Golaha wasiirrada ee dalka ayaa ansixiyay dib u habeyn lagu sameynaya shirkadda adeegga korontada wadanka ee KPLC.
Ujeeddada laga leeyahay arrinkan ayaa lagu sheegay in sare loo qaado dakhliga dhaqaale ee soo galo shirkadda.
Qorshahan ayaa ah mid lagu maareynaya deymaha lagu yeesho shirkadda.
Sidoo kale waxaa dib u eegis lagu sameyn doonaa guddiga maamulo KPLC .
Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay isbeddello lagu sameeyay xeerka biyaha ee la soo saaray sanadkii 2016-kii si hay’adaha dowladda iyo waaxyaha gaarka ah ay iskaga kaashadaan wanaajinta adeegyada biyaha ee dalka.
Tani ayaa dardargelin doonto in la qodo 100 ah ceelasha waawayn ee biyaha , 1,000 dhexdhexaad ah iyo 3,000 oo yaryar si kenyaanka looga dul qaado caqabadaha dhanka biyaha.
Isbeddellada lagu sameeyay xeerka biyaha ayaa qeexaya waajibaadka wakaaladaha horumarinta biyaha.
Sidoo kale waxaa ku xusan nidaamka leesimada loo siinaya shirkadahan.
Dhanka kale xubnaha golaha wasiirrada ee dalka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la adeegsado istiraatiijiyooyin iyo qaab dhaqaale lagu helaya oo maxalli ah si loo taageero u adkeysiga dhibaatooyinka ee bulshada.
Shirka golaha wasiirrada waxaa ka soo baxay is-afgarad ah in la sii wado caawinta qoysaska ay saameynta ka soo gaartay abaarta ee ku nool deegaannada oomanaha kuwaaso si wayn ugu tiirsanaa xoolaha ay dhaqdaan.
Golaha wasiirada ayaa qiray inay muhiim tahay sare u qaadidda dhaqangelinta istiraatiijiyooyinka lagu yareeyo halista abaarta si maareynta kheyraadka dabiiciga looga dhigo mid waara.
Golaha wasiirrada waxaa uu sidoo kale ansixiyay xeerka dadweynaha si buuxda looga qayb gelinaya arrimaha horumarka iyo maamul wanaagga iyagoo afkaartooda ku gudbinaya hab waafaqsan dastuurka dalka.
Sidoo kale golaha wasiirrada ayaa dib u eegis ku sameeyay heshiis u dhexeya dowladda Kenya iyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO gaar ahaan qorshaha ay hay’adda xarun goboleed uga furanaysa magaalada Nairobi.
Xaruntan ayaa shaqo abuur u sameyn doonto dad badan waxaana suuq helaya agabyada caafimaad.
Golaha wasiirrada ayaa dhanka kale ansixiyay hindisaha iyo xeerka saadaasha hawada waxaana waaxda saadaasha hawada loo beddelay adeegga saadaasha hawada iyadoo la raacaya heshiiskii arrimaha hawada ee Afrika ee (AMCOMET) ee sanadkii 2015-kii.