Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa 2.2 bilyan oo shilin u qoondeeyay in loo adeegsado dallacsiinta macallimiinta guud ahaan wadanka.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday madaxa fulinta ee TSC Nancy Macharia oo ka soo hormuuqatay guddiga arrimaha waxbarashada ee baarlamaanka.
Macharia ayaa xustay in dallacsiinta looga gol-leeyahay in macallimiinta niyadda loogu dhiso oo ay dhiirrigelin u noqoto.
TSC ayaa doonaysa inay dallacsiiso 13,713 oo ah maamulayaasha dugsiyada sare , dugsiyada hoose dhexe iyo ku xigeenadooda.
TSC ayaa baarlamaanka waydiisatay 300 oo milyan oo shilin oo lagu maalgelinaya howlaha guddiga ee ismaamullada iyo deegaannada hoos tago.
Guddigan ayaa sidoo kale codsaday 2.1 bilyan oo shilin oo dheeraad ah oo uu ku qarash gelinaya barnaamijka sare u qaadidda aqoonta macallimiinta.