DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in bisha 6-aad aan la oofin karin ballanqaad uu horay u sameeyay

0
222

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inaynan suurtagal ahayn in bisha Lixaad ee sanadkan laga dhabeeyo ballanqaad uu horay u sameeyay oo dhanka shidaalka ah.
Bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu hoggaamiyaha dalka sheegay in meesha laga saaraya canshuurta haamaha shidaalka si uu u yaraado qiimaha gaaska cuntada lagu karsado.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kenyaanka ay gaaska ku iibsan doonaan 600 oo shilin.
Hasa ahaate wareysi uu dhawaan si wadajir ah u siiyay shirkadaha warbaahineed ee dalka ayuu ku xusay in tani aynan suurtageli doonin bisha soo socoto.
Waxaa uu u aaneeyay in aan weli qorshahan lagu ansixin miisaaniyadda sidaasi awgeedna kenyaanka ay sugi doonaan ilaa bisha Toddobaad.