3 qof oo lagu toogtay Maraykanka

0
240

Waxaa lagu soo warramayaa in wiil dhallinyaro oo hubeysnaa uu saddex qof toogasho ku dilay.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay afaafka hore ee kaniisad ku taalla gobolka Koonfurta Bari ee Maraykanka ee New Mexico.
Qofka falkan gaystay ayaa da’diisa lagu sheegay 18 sano waxaana markii dambe dilay ciidamada ammaanka.
Sidoo kale dhowr qof oo ay ka mid yihiin labo sarkaal oo booliis ah ayaa dhacdadaasi ku dhaawacmay.