Dowladda Kenya oo ka baaran degayso in la furo xad afaraad oo dhanka Wajeer looga gudbi karo Soomaaliya

0
185

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa billaabeen inay ka shaqeeyaan sidii dal ku gal lacag la’aan ah loo siin lahaa muwaadiniinta waddamadan booqanaya ama sii joogaya.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay inay ka baaran degayaan in la furo xad afaraad oo dhanka Wajeer looga gudbi karo Soomaaliya.
Qorshahan ayaa dhaqan galay laga billaabay shalay.
Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa dhankiisa sheegay in xuduudda Kenya iyo Soomaaliya ee xirnayd in ka badan 10 sano ay saameyn wayn ku yeelatay arrimaha dhaqaalaha gaar ahaan ganacsiga Waqooyi Bari.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in kulanka shalay lagu heshiiyay in ciidamo iskudhaf ah oo ka tirsan kuwa difaaca ee KDF iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ee SSF ay si wadajir ah u maareyn doonaan howlaha amniga xuduudda .

Wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya Dr. Maxamad Axmad Sheekh Cali (Doodishe) ayaa isna qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay inay ku heshiiyeen in culayska ka jira helitaanka dal-ku-galka (Visa) in lagu fududeeyo muddo 30 maalmood gudahood ah.
Waxaa uu xusay in furitaanka xuduudda labada waddan ay muhiim u tahay ganacsiga bulshooyinka ku nool labada dhinac.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here