Dowladaha dariska ah ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyay inay muddo 12 sano ah ka dib furaan xadka ay wadaagaan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki.
Tani ayaa timid ka dib kulan ay maanta yeesheen wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, dhigiisa Soomaaliya Dr. Maxamed Axmad Sheekh Cali (Doodishe) wasiirka difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale , dhigiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamad Nuur Jaamac, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda difaaca dalka Patrick Mariru, dhigiisa arrimaha gudaha Dr. Raymond Omollo madaxa taliska bari Janeraal Juma Mwinyikai, taliyaha guud ee booliiska dalka Japheth Koome, ku xigeenkiisa Nuur Gaabow iyo saraakiil kale oo amni.
Kulanka oo ka qabsoomay daarta Harambee House ka dib ayay wasiirrada sheegeen in xadka Kenya iyo Soomaaliya la furaya muddo 90 cishe gudaheeda ah iyadoo loo maraya wajiyo kala duwan.
Wajiyadan ayaa ah in marka hore la furo xadka magaalada Mandera iyo degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo Soomaaliya muddo 30 cishe gudaheeda ah.
Waxaa sidoo kale 60 cishe gudaheeda la furi doonaa soodhinta Liboi-xarxaar ee ismaamulka Garissa ilaa Dhoobley.
Sidoo kale labada dowladood ayaa isku afgartay in saddex bilood gudahooda la furo xadka magaalada Kiunga ee ismaamulka Lamu ilaa Raas Kamboni.
Mas’uuliyiinta maanta kulmay ayaa isku afgartay in la kordhiyo iskaashiga dhinacyada amniga, gaar ahaan ka hortagga falalka ay gaystaan argagixisada, fududeynta isu socodka gaadiidka, ka hor tagga socdaalka sharci darrada ah iyo la dagaalanka alaabta kontarabaanka ah.
Sidoo kale waxay ka wada shaqeyn doonaan in la iska kaashado dhanka isgaarsiinta , kaabayaasha xuduudda iyo macluumaadka amni oo la wadaagaya.
Xuduudaha ay wadaagaan labadan dowladood ayaa xirnayd in ku dhow 12 sano, ka dib markii kooxda Al-Shabaab ay dhibaatooyiin badan ka gaysteen gudaha dalkani Kenya taasoo sababtay in sanadkii 2011-kii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya sidoo kalena xilligaasi la xiray xuduudaha hadda la furaya.
Hosting Minister for Internal Security, Federal Government of Somalia Mohamed Ahmed Sheikh Ali, Minister for Defence Abdulkadir Mohamed Nur and Abshir Omar Jama, the Minister for Foreign Affairs for a high-level ministerial meeting on cross-border cooperation between the… pic.twitter.com/YLy3zh1itm
— Kithure Kindiki (@KindikiKithure) May 15, 2023
The Governments of Kenya and Somalia have resolved to re-open the border between them in a phased-out manner within the next ninety (90) days effective today 15th May 2023. pic.twitter.com/bV1wxryQ3l
— Kithure Kindiki (@KindikiKithure) May 15, 2023
The two governments agreed to strengthen cross-border communication and information sharing, develop modalities of addressing cross-border challenges and enhance border infrastructure, management and capacity. pic.twitter.com/Gm7kZ0A8Fy
— Kithure Kindiki (@KindikiKithure) May 15, 2023