DHAGEYSO:Madaxweynaha oo sheegay in dowladda aynan canshuur xad dhaaf ah saarayn kenyaanka

0
342

Madaxweynaha dalka William Ruto oo xalay fiidkii wareysi wadajir ah siiyay wariyaasha warbaahinno kala duwan ayaa difaacay qorshaha maaliyadeed ee dowladda dhexe gaar ahaan go’aanka lagu soo saaray hindise sharciyeedka Finance Bill 2023.
Qorshahan ayaa hadal hayn ballaaran ka abuuray gudaha wadanka iyadoo mucaaradka ay dowladda ku dhaliileen inay culeys dheeraad ah saareysa shacabka la daala dhacaya qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Hasa ahaate hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu meesha ka saaray canshuur lagu soo rogi jiray badeecooyin badan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in sanad maaliyadeedka xiga ay dowladdu shaqaaleysiin doonto 35,000 oo macallimiin dheeraad ah.
William Ruto ayaa amaahda lacageed ee hadda dalka lagu leeyahay ku sheegay 8.8 tiriliyoon oo shilin.
Waxaa uu difaacay soo jeedinta ah in qofka shaqaalaha iyo xarunta uu ka shaqeeya laga jaro boqolkiiba 3 ee mushaarka isagoo cadeeyay in tani aynan canshuur ahayn balse qofka loogu fududeynaya inuu mustaqbalka iibsado guri tayo leh.
William Ruto ayaa ku celceliyay inaynan marnaba ugu yaraan 6 milyan oo kenyaan ah sii degganaan karin xaafado isku raran oo aan lahayn adeegyada muhiimka ah.
Sidoo kale waxaa uu u jawaabay dadka ku doodaya inaynan xilligan u baahnayn inay guri iibsadaan sidaasi awgeedna aynan gar ahayn in dowladda ay lacago ka jarto.

Madaxweynaha dalka oo la waydiiyay su’aal ahayd inay jirto faragelin dibadeed oo ku aaddan qaadashada amaahda ayaa taasi beeniyay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sanduuqa lacagaha adduunka ee IMF uunan marnaba dowladda u tilmaamin go’aannada masiiriga ee dhanka horumarka.
Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay u madax bannaan tahay arrimaheeda balse ay soo dhaweynaysa talooyinka wanaagsan.