Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay labo eedeysanayaal oo lala xiriirinaya dhacdooyin isugu jira kufsi iyo xatooyo oo ay koox burcad ah ka gaysatay ismaamulka Homa Bay.
Falalkan ayaa la soo tabiyey bishii hore.
DCI ayaa xustay in tuhmanayaasha la qabtay xilli ay ku wajahnaayeen ismaamulka Kericho si ay halkaasi uga fuliyaan falal dambiyeedyo uu dil ka mid yahay.
Labada qof ee la xiray ayaa lagu kala magacaabaa Philip Omollo iyo Dan Kuma waxaana looga shakisan yahay inay ka mid yihiin koox burcad oo ka kooban toddobo xubnood oo u dhacay guri ku yaalla tuulada Lala ee Homabay halkaasi oo ay haweeney ugu gaysteen kufsi wadareed sidoo kalena ay ka qaateen hanti aan qiimaheedu la cayimin.
SUSPECTS BEHIND RAPE INCIDENTS & SPATE OF ROBBERIES IN HOMABAY ARRESTED
Detectives are interrogating 2 suspects in connection with gang rape and robbery with violence incidents reported in Homabay County in the last one month.
The duo were arrested while headed to Kericho…
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) May 13, 2023




