Wasiirka arrimaha dibadda ee Papua New Guinea oo is casilay

0
325

Waxaa xilkiisi iska casilay wasiirkii wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Papua New Guinea (PNG) Justin Tkatchenko.
Tani ayaa timid ka dib muran ka dhashay qarashaadka ku baxay safarka iyo tiradii badnayd ee uu ka koobnaa wafdi dowladda dalkaasi ku matalayay caleema saarkii boqorka Ingiriiska King Charles III ee ka dhacay magaalada London.
Tkatchenko ayaa bayaan ku sheegay inuu xafiiska baneeyay ka dib markii uu wada tashi la sameeyay ra’iisul wasaare James Marape oo sii hayn doono xilka wasiirka arrimaha dibadda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu doonaya in xaqiiqada la ogaado oo la saxo wararka beenta ah.