DHAGEYSO:Gachagua oo ku taliyey in lagu dadaalo sidii ay dhul ku heli lahaayeen halyeeyadii Maumau

0
275

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa madaxa mucaaradka ee dalka Raila Odinga ka codsaday in sida uu ugu ololeynaya hoos u dhigidda qiimaha maciishadda uu si la mid ah ugu halgamo inay dhul helaan qoysaska shakhsiyaadkii u soo dagaallamay madax bannaanida qaranka.
Waxaa uu Gachagua hoosta ka xarriiqay in la garanaya dad uunan magacdhawin oo qaatay dhulalkii dagaalyahaanadii Maumau sidaasi awgeedna looga baahan yahay inay ku wareejiyaan.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in Raila aabihii Oginga Odinga loo dhibaateeyay ka hadalka dhulka Maumau taasina ay uga mahadcelinayaan balse ay doonayaan in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka uu xoogga saaro sidii arrintan looga dhabeyn lahaa.