DHAGEYSO:Musalia oo hoggaamiyaasha mucaaradka baaq u diray

0
258

Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ugu baaqay inay madaxweynaha dalka William Ruto fursad u siiyaan u adeegidda shacabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xaaladda dhaqaale ee hadda taagan aynan ahayn mid hal mar ah la dareemay balse ay sababeen go’aamo khaldan oo horay loo qaatay.
Mudavadi ayaa xusay in maamulkii hore ee Uhuru Kenyatta uu qaatay amaah aan laga fiirsan saameynta ka dhalan karto.

Sidoo kale waxaa uu xubnaha guddiyada kala matalaya mucaaradka iyo dowladda dhexe ee ka qayb qaadanaya wada hadallada ka codsaday inaynan ku mashquulin kala duwanaanshaha siyaasadeed ee u dhexeya.